SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QAABKEE AYUU QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE,YAA DEJIYEY QORSHAH?

WAA QEYB KALE WAXA EEYNA KU BILAABATAY SIDAN.

AXMED QOOR-QOOR OO WARKA KHAYRE LA WADAAGAAYEY FAHAD YAASIIN IYO FARMAAJO.

Xasan Cali khayre ayaa markii uu kulamada heshiisiinta ah la gelaayey Farmaajo waxa uu dhankiisa xiriir la sameeynaayey qaar ka mida dawlad goboleedyada gaar ahaan Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor-qoor oo uu u arkaayey inuu ahaa nin isagu wax ka soo dhisay kuna kalsoonaan karo. qoor-Qoor ayaa warbixin ama sir kasta uu ka dhegaysto Xasan Cali Khayre wuxuu isla daqiiqado gudaheed u diri jiray Fahad Yaasiin kaasoo warbixintaas oo uu isagu wax ku darsaday u sii gudbin jiray Farmaajo. Xasan Cali Khayre oo aan marnaba war u haynin in Qoor-Qoor uu xiriir gaar ah la sameeyey Fahad iyo Farmaajo,warkiisa qarsoodi ahne si toos ah uu ula wadaago labadaas nin,ayaa ugu dambayntii go’aansaday inuu u safro magaaladda Dhuusamareebsi uu uga qeybgalo shirka halkaas uga socdodawlad goboleedyadda. Khayre ayaa inta uusan u safrin dhuusamareeb waxa uu u sheegay Qoor-Qoor in uu diyaarad ay la socdaanxildhibaano isaga taageersanay imaan doonaan Dhuusamareeb kaas oo uu hogaamin doono Senatar Dheg dheer. Sidoo kale waxa uu Qoor-Qoor u sheegay inuu lacag u soo dhiibay Dhegdheer si uu ugu isticmaalo soo dhaweyntiisa gaaka ah. Qoor-Qoor ayaa durbadiiba waxa uu sirtii khayre u sheegay Fahad iyo Farmaajo isagoo kula wadagay khadka telefoonka waxayna u sheegeen Qoor-Qoor inuu sameey wax kasta uu ka codsado Khayre lana dareensiine in lala socdo qorshihiisa. Qoor-Qoor ayaa u sheegay Xasan Cali Khayre maalinta uu imaanaayo Dhuusamareen oo ku beegneed 14-ka bisha juulaay uu soo kaxeeyn doono dhamman madaxda dawlad goboleedyadda si loo dareensiiyo Farmaajo in Khayreka haysto taageero buuxda dawlad goboleedyada. Qorshahaas oo dhan ayaa ahaa mid indha sarcaad ah oo uu soo abaabulay Fahad lana doonaayo in Xasan Cali Khaure loogu qodo xabaal siyaasdeed uusan weligii ka soo bixin.