SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HUBKA SOOMAALIYA LOO OGOLAADAY.

(SAWIRKA)-HUBKA.

(LONDON)-Shalay oo Jimca ahayd waxaa dalka Soomaaliya si buuxda looga dul qaaday Cunaqabateyntii Hubka ee saarneed muddo ka badan sodon iyo laba sano oo xiriir ah,cunaqabateynta ayaa la saaray dalka Soomaaliya sannadkii 1992-dii ka dib markii dalka Soomaaliya uu ka bilawday dagaal aan waxba la isula harin una dhexeeyey Hogaamiye kooxeedyo iska soo horjeeday waqtigaas waxa uuna dagaalka ku faafay dhammaan goboladda koonfureed ee dalka Soomaaliya,dagaaladda ayaa waxaa ka dhashay Gaajo baahsan oo saameysay dhammaan gayiga Soomaaliyeed taasina waxa ey sababtay in caalamku u soo gurmado dalka Soomaaliya. Hadaba dadaalo fara badan ey sameeyeen xukumadihii isaga kala dambeeyey xukunka dalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii waxa ey guul la taaban karo ka gaareen in dalka Soomaaliya laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.