SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HUBKA IRAAN EE SOO GALA SOOMAALIYA.

(GENEVA):Waxaa soo baxday warbixin la xiriirta hubka lagu sameeyo dalka Iraan loona soo diro Xuutiyiinta dalka Yaman inuu u soo gudbo gudaha dalka Soomaaliya,hubkaas ayaa ah mid fudud iyo mid yar yar,tirada hubkaas soo galay dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu dhan yahay afar boqol iyo todobo iyo toban(417),goobaha uu hubkaas Soomaaliya ka soo galay ayey warbixintu ku sheegtay ineey dhan yihiin seddex iyo toban(13)- goobood,waxa eeyna goobahaasa kala yihiin:

(1).Badhan.(2).Baydhabo.(3).Baardhere.(4).Beled Xaawo.(5).Beled Weyne.(6).Buuhoodle.(7).Ceel Waaq.(8).Doolow.(9).Gaalkacyo.(10).Garawe.(11).Galdogob.(12).Xudun.(13).Laascaanood iyo Tukaraq.Goobaha ku yaalo xuduudyadda Itoobiya iyo Kenya laguna xusay warbixinta ayaa kala ah:Itoobiya(Buuhoodle,Doolow iyo Galdogob),Kenya(Beled Xaawo iyo Ceel Waaq).

Magaaladda Gaalkacyo ayey warbixintu ku sheegtay ineey tahay halka uu soo gaaray hubka sharci darrada ah uguna badan lagana keenay dalka Yaman waxaaen tiradiisa lagu sheegay 97(23.3%), magaladda Gaalkacyo ayaa martigeliso isla markaasne xambaarsan tahay suuqa madaw ee hubka yar yar ee fudud(Small Arms Light Weapon),Gaalkacy ayaa ah xudunta qeybisa isla markaasne hawlgelisa hubka ka yimaado waqooyiga Soomaaliya kuna socdo Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ilaa laga gaaraayo xuduudka dalka Itoobiya.ISHA WAKALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.