HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH OO ISA SOO DHIIBAY.
(SAWIR)-KA. HORJOOGE SIIDAW.
(GALMUDUG)-Maamulka Galmudug ee bartmaha dalka Soomaaliya waxaa weli ka socdo dagaal u dhexeeyo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa degaanka iyo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa hadda laba sano jirsaday waxaane kooxda Alshabaab laga saaray dhul aad u baaxad weyn kuna kala yaalo Maamuladda H/shabeele iyo Galmudug,inta badan degaanadda hoostaga H/shabeele waa laga soo saaray kooxda Alshabaab waxa eyna H/shabeele uga sugan yihiin degaanadda Xuduuda dhaca una dhexeeyo Goboladda Galgaduud iyo Sh/dhexe. Dhawr todobaad ka hor ayey ahayd markii ey duqeyn xoogan oo lala beegsaday madax sare kana tirsan Alshabaab ey dhacday degaan dhaca xuduuda labada Gobol ee Galgaduud iyo Sh/dhexe,duqeyntaas ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal sare oo kooxda Alshabaab u qaabilsnaay soo ururinta lacagta ey kooxdu ugu yeerto Zakawaatka,sarkaalkaasi ayaa magacaiisa lagu sheegay in la yiraahdo Ibraahim Sheekh Cali Sheekh Muuse magaciisa afgarashadda waa KOOFI,waxa uuna horay u ahaay Nabadoon beeleed kuna sugnaay degaan ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee G/shabeeladda dhexe. Warar hadda soo baxay soona gaaray warbaahinta Madaxa banaan ayaa sheegaayo in Koofi iyo rag kale oo ka tirsan kooxda Alshabaab uuna soo gaaray dhaawac eysan kooxdu daawo u heyn xalay lagu dhammaystiray degaan hoostaga Gobolka Galgaduud,dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in Koofi iyo afar sarkaal oo kale uu dhaawca culus ka soo gaaray qaarka dambe ee jirkooda xalay la wada toogtay laguna aasay isla goobtii lagu toogtay. Dhinaca kale,horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab lana yiraahdo Siidaw Cali Ibraahim kana tirsanaay xubnaha kooxda Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaayo Koonfurta G/mudug ayaa xalay waqti dambe isu soo dhiibay ciidamadda ka hawlgala degmada X/dheere ee G/mudug ka dib markii ey ku adkaatay noloshii uu dhex haystay kooxda uu ka tirsanaay ee Alshabaab oo hadda u muuqata iney soo wajahayaan culaysyo fara badan eyna ugu horeeyaan dhaqaalaha,Daawadda iyo Cuntada waayo kooxda ayaa hadda ku go’odoonsan degaanadda ey kaga sugan yihiin Galmudug suuragalna uma aha kooxda Alshabaab iney sameeyaan dhaqdhaqaaq ey isaga kala gudbi karaan Goboladda deriska ah sababo amni darteed. Siidaw ayaa magaciisa afgarashada ku sheegay Aanas waxa uu mar soo noqday horjoogihii ugu sareeyey kooxda Alshabaab ee degaanka JAWLE ee G/Mudug balse hadda waxa uu ahaay madaxa maleeshiyaadka ku dhuumaaleysta Aaga degaanka BARAAG-Cali Guduud oo hoostaga degmada X/dheer ee G/Mudug sida ey sheegeen saraakiisha ku sugan degmada X/dheere.
ISHA/SB-MEDIA.