HORJOOGE ALSHABAB AH OO LAGU DILAY…
(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.
(SH/HOOSE)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaayo weerar qorsheysnaay oo lala beegsaday Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab,hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay G/shabeelada Hoose,qoraal ka soo baxay DFS ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay Horjooge Faarax Yare ey la socdeen xubno kale oo ayagana ka tirsan isla kooxda Alshabaab,weerarka lagu khaarijiyey Faarax Yare iyo saaxibadiis ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Raydableey una dhexeyso degaanada Mubaarak iyo Ugunji ee G/shabeeladda Hoose maamulka KGS. Maxamuud Xasan Kediye(Biriq) oo lagu sheegay inuu ahaay oday dhaqan beeneed kooxda Alshabaab-ne u qabilsanaay lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka si gaar ahne ugu xilsaarnaay degaanka Ceelahsa Biyaha ilaa Ugunji ayey isaguna galaafatay hawlgalkii qorsheysnaay ee maanta dhacay,Biriq ayey kooxda Alshabaab horay ugu abaalmarisay hawlkarnimadiisa dilka shacabka Baabuur Toyota ah iyo Qoriga AK-47,Biriq ayaa la joogay Faarax Yare isagoo u geeyey ganaax ey kooxdu ku xukuntay nin shacab ah ganaxaas oo ahaay Qori AK-47 ah iyo Booshkiisa,ninkan ayaa sida la sheegay waxaa xoog looga haystay baabuurkiisa.
ISHA/CAASIMADA.