HORJOOGE ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY X/DHEERE.
(SAWIRKA)-HORJOOGE MAXAMED ISMACIIL CARUUS.
(XARADHEER-MUDUG)-Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab kana hawlgeli jiray Koonfurta Gobolka Mudug ayaa lagu dilay dagaal culus oo shalay ka dhacay aaga degmada Xaradheere. Horjoogaha dagaalka lagu dilay shalay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaaciil Caruus,Horjoogahaan waxa uu horay u ahaay afhayeenkii XISBUL ISLAAM waqtigii Xasan Daahir uu Xabsi guri geliyey Axmed Godane ka dibne ey u suurtagashay inuu soo baxsado iskana soo dhiibo degmada Cadaado,Horjoogahaan ayaa waqtigaas la socday Xasan Daahir Aweys laakinse markii Xasan Daahir loo soo wareejiyey Muqdisho ayuu Horjoogahaan dib ugu laabtay kooxda Alshabaab. Sida la sheegay Horjooge Caruus ayaa qeyb ka ahaay weeraro ey kooxda Alshabaab ka gaysatay gudaha dalka Kenya waa intuu ku sugnaay koonfurta Soomaaliya loona soo wareejin degaanada Koonfurta Gobolka Mudug ee hadda lagu dilay. Horjooge Caruus ayaa ku sugnaay degmada Xaradheer in mudda ah halkaaso qoyskiisu deganaayeen,waxa uu Horjooge Caruus u qaxay Baraag Ismaaciil ka dib markii looga adkaaday gacan ku haynta degmada Xaradheereey muddo dheer maamulaayeen kooxda Alshabaab,waxa uu hadda ahaay Horjoogaha Jabhadaha ee Koonfurta Mudug waxa uuna ugu dambayntii shalay ku baxay gacanta Halyeeyada degaanka Xaradheere iyo ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanayo.
ISHA.SBM.