SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY…

(SAWIRKA0-AFHAYEENKA KOOXDA ALSHABAAB.

(BAKOOL)-Wararka inaga soo gaarayo gobolka Bakool ee galbeedka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi ey saakay ka dhacday duqeyn aad u xoogan oo lala beegsaday Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab kuna sugnaay aagaas Bakool,Hprjoogaha la beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Isaaq C/laahi Afey,ninkaan ayaa horay waxa uu gudaha kooxda Alshabaab uga soo noqday la taliyaha ugu weyn ee hogaamiyihii hore ee kooxda Alshabaab ee la dilay Axmed cabdi Godane. Duqeyntaan dhacday maanta aroortii hore ayaa waxaa lagu dilay toban maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahayd Isaaq Afey iyo Xaaskiisa iyo caruurtiisa oo isaga la socotay. Dhinaca kale weerar midkaan la mida ayaa isna waxa uu ka dhacay degaanka Miliqo ee ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee Dawlad Goboleedka Galmudug waxaane weerarkaan lagu dilay horjooge caan ka ahaay degaanka kana soo jeeday gobolka Galgaduud.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.