SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DHAWACAY…

(SAWIRKA)-HORJOOGE MAHAD KARATE.

(SABLAALE)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeeladda Hoose gaar ahaan degmada Sablaale ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhacay weerar dhinac cirka ah eyna fuliyeen saaxibadda caalamka ee Soomaaliya,sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah weerarka ayaa lala beegsaday Kolonyo gelbinaysay Horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaaso ka ambabaxay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose kuna sii socday xarunta Gobolka Jubada Dhexe ee Bu’aale ey ka taliyaaan Alshabaab. Kolonyadaan la weeraray ayaa waxaa la socday Horjoogayaal ey ka mid yihiin Mahad Karateey, Abu Agram iyo Sheekh Xuseen Fiidaw oo kooxda Alshabaab u qaabilsan dhinaca Siyaasadda. Ilo amni ayaa xaqiijiyey in Horjoogayaasha la weeraray iyo Maleeshiyaadkii ilaalinaayey ey wateen baabuur dagaal oo fara badan balse la gaarsiiyey jab xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadkii gelbinaysay,si gaar ah waxaa loo xusay Horjoogayaasha kala ah Mahad Karatey,Agram iyo Sh,Xuseen iney yihiin dhaawac aad culus lana geeyey degmada Bu’aale si halkaasi gar-gaar deg deg ah loogu fidiyo, waxaane weerarkaas xalay dhacay ka badbaaday Hogaamiyaha kooxda Alshabaab ee waqtigaan Axmed Diiriye Abu Cubeyda,waxaane la sheegay in bartilmaameedka uu ahaay in Axmed Diiriye weerarkaas looga takhaluso balse saxiibadiisa ayuu galaaftay weerarkii dhacay xalay waqti dambe. LA SOCO WIXI SO KORDHA.

ISHA/SBM