SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HOOBIYE KU SOO DHACAY AGAGAARKA WASAARADDA G/DHIGA.

(SAWIRKA)-HOOBIYE.

(MUQDISHO)-DEG DEG: War hadda inaga soo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga DFS ee ku taalo degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir lagu weeraray tiro Hoobiyeyaal ah caawa waqtiga Muqdisho markuu ahaay 8:00-fiidnimo,sida ey sheegeen Goobjoogayaal hal ka mid hoobiyeyaasha ayaa waxa uu ku habsaday guri ey degaanyeen dad shacab ah waxaane ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii degenaay guriga. Hayadaha amaanka ee Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkaan loo adeegsaday hoobiyaha, Sida la rumaysan yahay weerarada nuucaan oo kale ah ayaa waxa qaado kooxda Alshabaab ee ka soo horjeedo DFS. Dhinaca kale,dagaalamaayl ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa habeenkii xalay waxa ey Hoobiyeyaal ku weerareen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud,saraakiil u hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay iney ku raad joogaan kooxdii xalay soo riday Hoobiyaha. Degaanka Camaara ee dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ayaa la soo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay Qarax loo maleynaayo inuu yahay Miino dhulka lagu aasay,Qaraxa ayaa waxa uu haleelay sida la sheegay gaari Cabdi Bile ah eyna iska leeyihiin CXDS,wax khasaaro ah oo ka dhashay weli lama soo sheegin. Degmada Adan Yabaal ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee maamulka H/shabeele waxaa xalay ku dagaalamay ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS,sida la sheegay dagaalka ayaa yimid ka dib markii askar ka tirsan Booliiska Mileteriga ey jirdleen askeri ka tirsan ciidamadda Mileteriga ee uu taliyaha u yahay Col.Saney Cabdulle,dagaalka ayaa socday in muddo ah mana la sheegin wax dhimasha ah balse dhaawac fara badan ayaa jira isuguna jira askartii dagaalantaY iyo dad shacab ah ey guryahooda xabadu ugu tagtay.

ISHA/SB-MEDIA.