SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HOLLAND OO CUNAQABATEYN KA QAADAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMO TABABARANAAYO.

(HAGUE)-Dalka Holland waxa uu ka mid yahay wadamadda Yurub ee cunaqabateynta dhinaca hubka ah saaray dalka Turkiga iyo wadamadda kala ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,Holland ayaa cunaqabateynta u saartay Turkiga sabab la xiriirto diidmada dalka Turkiga uu ku sameeyey in dalka Sweden ku soo biiro NATO iyo dagaalka dalka Suuriya uu Turkigu qeyb ka yahay. Dhinaca kale,dalka Holland ayaa cunaqabateyn dhinaca hubka ah waxa uu saaray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta,sababta uu dalka Holland u cunaqabateynta u saaray dalalkaas ayuu ku sheegay iney qeyb ka yihiin dagaalka dalka Yeman. Hadaba dalka Holland ayaa hadda ku dhawaaqay inuu qaaday cunaqabateynti hubka ee uu horay u saaray dalalka Turkiga,Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.