HOGAANKA XAMAAS OO LAGU DHEGAN YAHAY.
(SAWIRKA)-XAMAAS.
(WASHINGTON)-Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa Isniinta maanta ah sheegay iney jiraan tiro ka mid ah xubnaha Xarakadda Xamaas ee ku jira liiska Argagixisada ee dalka Maraykanka,kuwaaso ey tahay in loo soo gacan geliyo dawladda Maraykanka haddii ey ku sugan yihiin dalka Turkiga. Intii uu socday shirka Jaraa’id,Miller waxa uu sheegay in Maraykanku uusan rumeysan hogaamiyeyaasha Gobolka ogolaadaan sida Xamaas iney ku noolaadaan nolol raaxo leh meel kasta,waxaane hubaal ah inuu ku jiro mid ka mid ah saaxibayadda ugu weyn ee Gobolka,Turkiga. Afhayeen Miller waxa uu carabka ku adkeeyey in Maraykanka u cadeeyn doono dawladda Turkiga inuusan jirin qaab loo sii wedi karo Ganacsi dheeri ah oo lala yeesho Xarakada Xamaas.
ISHA-AL-HURRA.