SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HOGAAMIYIHII MALEESHIYAAD DAAR FUUR OO..

(HAGUE)-Waxaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 5/4/22-ka dacwad lid ku ah hogaamiyihii maleeshiyaadka Janjaweed Cali Muxamed Cali kuna kagac dheer “Cali Kushayb”eey ka bilaabatay maxkamadda qaada dembiyada dagaalka(ICC) kuna taaalo dalka Holland magaaladda Hague,Cali ayaa ku eedeysan 31-dembi uu galay eeyna ka mid yihiin dembiyo dagaal,kuwa ka soo horjeedo bani’aadanimada,kufsi,dil caalami ah iyo jirdil dembiyadaan ayaa la sheegay ineey dheceen inta u dhexeeysay sannadadii 2003 ilaa 2004-tii,Cali waxa kaloo uu ku eedaysan yahay afduub caruur uu u gaystay,liidid dad shacab ah balse Cali ayaa iska inkiray dhammaan eedeymihii loo soo jeediyey.Hogaamiyahaan dhiigya cabka ah ayaa waxaa laga soo qabtay dalka Afrikada Dhexe sannadkii 2020-kii waan e waqtigaas waqtigii loo gudbiyey maxkamadda ICC-da,sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa isna loo haystaa dembiyo oo waa maxkamad suge.

XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA AKHRI.