HOGAAMIYIHII DAACISH EE AFGAANISTAAN KHORASANI OO LA DILAY….
Laba maalin ka hor ayey dileen kooxda Dhaalibaan Abu Cumar Khorasani oo mar soo noqday hogaamiyihii kooxda Daacish ee dalka Afgaanistaan,waxa uu fadhiyey xabsi wasaq badan qolkiisa dadka lagu wareeysto waxa uuna Khorasani sugaayey in toogto(Dil).Khorasani ayaa kooxda Dhaalibaan u arkaayey qabsashadooda dalka ineey tahay calaamad isbedel ah,labadaan kooxood ayaa sanooyin badan waxa eey isku dhaarsadeen ineey dalka Afgaanistaan ka saaraan gaaladda.”Aniga ha i daayaano haddii eey yihiin Muslimiin wanaagsan”sidaas waxaa wargayska The Wall Street u sheegay Khorasani mar uu wargayska waraystay. Kooxda Dhaalibaan ayaa waxa eey dishay Khorasani iyo sideed kale oo ka tirsan dagaalyahanadda Daacish maalma uun ka dib markii eey qabsadeen xukunka dalka Afgaanistaan.XIGASHO ARAB21.