SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH OO LAGU GOLIS.

(SAWIRKA)-MUUQAALKA WEERARKII DAACISH.

(PUNTLAND)-Wargayska laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Daily Mail ayaa daah ka qaaday in duqeyntii todobaadkii hore ka dhacday Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland lagu dilay Hogaamiye ka tirsan Ururka Argagixisada Daacish ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya,Hogaamiyahaan la dilay ayaa kooxda Daacish waxa uu qaabilsanaay u qorista dagaalamayaal ka hawlgala wadamadda reer Galbeedka. Hogaamiyahan la dilay ayaa lagu sheegay magaciisa in la yiraahdo Axmed Maelemimine oo ah sarkaal sare oo ISIS askarta u soo qora,Maalgeliya,Hogaamiyane hawlgaladda Dibadda. “Ninkaan waxa ka qoraa Argagixisada Adduunka oo dhan,waxa uuna u tababary iney dilaan dadka aan waxba galabsan,waxa uuna dib ugu soo celiyaa wadamadda reer Galbeedka si ey weeraro uga geystaan in ka badan hal wadan”,ayuu yiri Sebastian Gorka oo ah Agaasimaha sare ee Madaxweyne Trump u qaabilsa la dagaalanka Argagixisadda. Dalka Soomaaliya waxa uu hooy u ahaa Argagixisada tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii, taaso ey bedeleen qabqalayaal dagaal iyo Islaamiyiin Mayal adag. Sannadihii la soo dhaafay, Faraca dawladda Islaamiga ah(ISIS) ee dalka Soomaaliya ayaa yeeshay saameyn xoogan,iyadoo lacaga u diri jirtay caalamka isla markaasne maalgelin jirtay weeraro caalami ah. Gorka waxa uu sheegay in Axmed Maeleminine uu yahay shaqsi ey aad garanayaan Hayaddaha Sirdoonka dalka Maraykanka. “Sida uu Madaxweyne Trump ku tilmaamay boggiisa fayraska ee hawlgalka dadkeynu waxay daba socdaan oo ey isha ku hayeen Axmed Maeleminine muddo aad u dheer,laakinse maamulkii hore ey MW-Biden ayaa si is daba jooga ah u diiday in wax tallaabo ah ka qaado Maskaxdan Jihaadiga ah”. Faahfaahinta hawlgalka ayaa markii ugu horeysay uu Trump shaaca ka qaaday Sabtidii la soo dhaafay,markaaso uu soo bandhigay muuqaal muujinaaya hawlgalka ka dhacay Soomaaliya.

ISHA-DM.