HINDIYA:DAD SOOMAALI AH OO LAGA HELAY FAYRUSKA OMICRON.
(HINDIYA):Dalka Hindiya laba qofood oo Soomaali ah balse aan la sheegin magacyadooda ayaa laga helay Fayruska cusub ee OMICRON seddex berri ka dib markii eey yimaadeen magaaladda Hayderabad ee dalka Hindiya,labadas qofood ee laga helay fayruska Omicron ayaa yimid dalka Hindiya 12/12/2021-ka waxa eeyna ka kala yimaadeen magaalooyinka Dubeey iyo Dooxa.Mid ka mida labad qofood ee soomaaliga ah ayaa ah dumar waxa eeyna jirtaa 24-sano waxa eeyna ka soo duushay dalka Kenya halka qofka kale oo da’adiisa lagu sheegay 23-jir uu ka yimid dalka Soomaliya,xaaladahaan ayaa loo ogaaday si aan ku talagal ahayn oo waxaa la iska baaray dadka safarka ah bacdamaa eey ka yimaadeen dalal uusan ka jirin amaba looga shaki qabin fayruska Omicron.ISHA ALLAFRICA.