SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HIIRAAN STATE OO EY U DHAMAATAY.

(SAWIRKA)-REER HIIRAAN OO TAHSTAY.

(B/WEYNE-HIR)-Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa ka kooban labada Gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe waxaane hadda u caasimad ah magaaladda Jawhar ee ka tirsan Gobolka Shabeeladda dhexe. Dawlad Goboleedka H/shabeele ayaa qaba dhibaatooyin isaga u gaar ah sida Isbaarooyinka loo dhigto dadka shacabka ah ee u kala safraayo degmooyinka H/shabeele gaar ahaan Isbaarooyinka ayaa isugu soo ururay Gobolka Hiiraan gudihiisa halka Gobolka Shabeeladda dhexe uu la daalaa dhacaayo Dagaalo Beeleed aan weli wax xal waara ah aan laga gaarin. Dilkii ka dhacay degaanka CEEL-BARAF ee G/shabeeladda dhexe waxa uu dhaliyey in Dawlad Goboleedka H/shabeele ey hesho in xal laga gaaro dhibaatooyin in muddo ah soo taagnaay sida Colaad beeleedka u dhexeysay Beelaha Xawaadle iyo Agoon-Yar Gaabane/Abgaal iyo in la qaado gebi ahaan Isbaarooyinkii yiilay gudaha G/Hiiraan,waxaa kaloo faa’iido ah in iyadana xal loo helay xasaradihii ey Itoobiya ka waday Dawlad Gobleedka H/shabeele lana soo afjaray maamulkii ey Itoobiya ku dooneysay iney ku burburiso xasiloonidda H/shabeele iyo guud ahaan Amniga dalka Soomaaliya. Taliyaha Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA)- Md.C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Xildhibaan Maxame C/laahi Buraale(Raaxeeye) ayaa ku guuleystay dhexdhexaadin mira dhal ah taaso lagu soo afjaray mad-madawgii Siyaasadeed oo mudooyinkii la soo dhaafay u dhexeeeyey DFS iyo Siyaasi C?laahi C/raxmaan Aden(C/laahi Geneey).C/laahi Geneey ayaa sheegtay inuu Madaxweyne ka yahay Maamul la magac baxay Hiiraan State,Gobolka Hiiraane uu ka go’ay maamulka H/shabeele ey aqoonsan tahay DFS.

ISHA-HO.

HALKAN KA AKHRI.