SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HESHIIS IS-AFGARAD OO DHEXMARAY SOOMAALIYA IYO..

(SAWIRKA)-SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA.

(DUBAI)-Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshii is-afgarad ah la saxiixatay Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi Ports Group,kaaso ey si wadajir ah isaga kaashanayaan maalgashiga Kalluumeysiga iyo in la horumariyo Dekedaha,iyo guud ahaan qeybta Kalluumeysiga ee dalka. Heshiiskaan waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah,horumarinta dekedaha kalluumeysiga,Warshadaha,in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badaha,in la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha kalluumeysiga,in la hirgeliyo dekedo kalluumeysi oo wadaag ah,in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada kalluumeysiga. Cap.Maxamed Juma AL-shamisi,Mareeyaha Guud iyo CEO-ga kooxda dekedaha ee Abu Dhabi ayaa yiri”Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageeradda horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya anagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha,adeegyada badda,iyo qeybta Kalluumeysiga ee dalka. Kooxda Dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee JFS si loo xoojiyo awooda qeybta badda iyo Kalluumeysiga ee dalka”. Wasiirka Kalluumeysia iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dawladda Soomaaliya Md.Axmed Xasan Adam ayaa yiri”Iyada oo aan kaashaneyno kooxda dekedaha ee Abu Dhabi,waxaan diyaarinay wado u horseedeysa koror waara oo mudada dheer ah iyo xaqiijinta kaabayaasha dekedaha iyo sidoo kale taageeridda qeybta Kalluumeysiga ee dalka,iskaashigaan ma ahan oo kaliya inuu xoojiyo awoodayada,laakin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo looga talagalay bulshadeeana xeebaha ee ku tiirsan wax soo saarka Kalluunka”. Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga waxa uu ujeedkeedu yahay iney ka faa’iideysato khibrada balaaran ee maareynta dekedaha,adeegayada saadka ee Imaaraatka iyo guud ahaaan caalamka ee kooxda dekedaha ee Abu Dhabi. Shirkada Dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhaqaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha,adeegyada badda,iyo qeybaha saadka ee dalalka Masar,Jamhuuriyadda koongo,Angola iyo Tanzania.

ISHA-SNTV.