HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA OO..
(SAWIRKA)-AGAASIME DHUXULAW.
(MUQDISHO)-Taariikhdu markii ey ahayd 12-kii hore eey Disembar-2024-kii ayaa waxaa Agaasimaha Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha loo magacaabay Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulaw,ka dib markii uu soo jeediyey Wasiirka Amniga Qaranka Md.Xildhibaan C/laahi Fartaag,waxaane ansixiyey Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya. Xilka Agaasimah Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa haayey Ag.Axmed Siciicd Maxamed ka dib markii Agaasimihii hore ee Hayadda Cabdul lagu soo eedeeyey inuu Lunsaday lacag ey leedahay Hayadda. Hadaba,Agaasime Mustafa ayaa si ku meel gaar ah oo dhan 90-Maalmood u hakiyey wax ka bedelka Xogta Baasaboorka dalka Soomaaliya,mudada ayaa ka bilaabaneysa maanta oo ah 1-da Janaayo-2025-ka waxa eyna ku eg tahay 31/3/2025-ka. Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in hakintaan ku meel gaarka ah ineysan saameyn doonin wax ka bedelka Xarfaha la Waafajinaayo Dukumintiga Rasmiga ah.
ISHA-SB-MEDIA.