SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAYADDA NISA OO SOO XIRTAY GANACSATO LA MACAAMISHA ALSHABAAB.

(SAWIR)-KA. HAYADDA NISA.

(MUQDISHO)-Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka(NISA) ayaa gacanta ku soo dhgtay xubnp u hogaamsamay Baada Alshabaab iyadoo lagu daba joogo shakhsiyaad kale. Ciidanka NISA oo si dhaw ula socday isku dayo ey Alshabaabsi dhuumaaleysi ah Baad ugu weydiisato xubno Ganacsata ah,waxaane gacanta lagu soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyey kooxda Alshabaabwaxaane sidoo kale ciidanka NISA ey ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay. Hayadda NISA waxay uga dugaysaa Ganacsatada iney u dhega nuglaadaan isku dayadda daciifka ah ee kooxda Alshabaab ey ku dooneyso iney ku boobto hantidooda ka dibne loo isticmaalo hantidaas Gumaadka shacabka Soomaaliyeed. Hayadda NISA waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta Hantidda,Sumcadda iyo Badqabka mawaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed iney ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ey ku sugan yihiin kooxda Alshabaab.

ISHA/CO.

SII AKHRI.