HAYADDA LACAGTA ADDUUNKA(IMF) IYO SOOMAALIYA OO..
(SAWIRKA)-HAYADA LACAGTA ADDUUNKA IMF.
(WASHINGTON)-Shaqaalaha Hayadda Lacagta Adduunka(IMF) iyo Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib u eegista labaad ee hoos timaada Hayadda Amaahda ee “Extended Credit Facility”(ECF). Waxqabad Barnaamijku wuxuu ahaa mid xoogan taaso muujineysa sida ey uga go’an tahay masuuliyiinta si ey u xasiliyaan dhaqaalaha guud iyo xoojinta awooda Hayadaha iyo Qaab Dhismeedka. Kobaca wax soo saarka dhabta ah ayaa kor loo qaaday boqolkiiba afar(4%) 2024-ka iyo 2025 iyadoo lagu saleynaayo dhoofinta xoogan iyo xawaaladaha. Si kastaba ha ahaatee, khataraha ayaa weli sara u kacaya oo ey ku jiraan horumarka Amniga Gobolka iyo kan Gudaha,qiimaha badeecadaha iyo jahwareerka cimilada. Dadaalka dib u habeynta joogatada ah ayaa loo baahan yahay si loo dejiyo shuruudaha adkeysiga weyn,dhimista faqriga iyo koriinka loo dhan yahay. Tan waxaa ka mid ah Xoojinta Awooda Canshuuraha iyo Maamulka Maaliyadda Dadweynaha,Horumarinta Qoto-dheeraanta Maaliyadda iyo Hagaajinta Maamulka.
ISHA-IMF NEWS