SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAYADDA INTERPOL OO SOO XIRTAY ILAA 300-QOFOOD.

(SAWIRKA)-HAYADDA INTERPOL.

(DAKAR)-Hawlgal caalami ah oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha gala dembiyadda abaabuan ee ka dhaca Galbedka Qaaradda Afrika oo ka kala socda shanta Qaaradood ayuu booliska caalamiga ah ee Interpol xiray 300-Qofood,waxa uuna qabtay dhaqaale dhan $3-Milyan oo doolarka Maraykanka ah,wuxuuna boolisku xanibay 720 -Akoon bangi,sidaas waxaa oo Talaadadii shalay ahayd sheegtay Hayada Interpol. Hawlgalka la magac baxay JACKAL III,oo socday intii u dhexeysay 10-kii bishii Abriil-2024-ka ilaa 3-da-Luuliyo-2024-ka kana socday 21-wadan ayaa ujeedkiisu ahaay in lagula dagaalamo khiyaanadda Maaliyadeed ee Online-ka ah iyo Ururadda Galbeedka Afrika ee ka dambeeya,ayey Hayadu ku sheegtay hadal ey soo saartay. “Mugga khiyaanadda Maaliyadeed ee ka imaaneysa Galbeedka Afrika waa mid naxdin leh oo sii kordheysa”ayuu yiri Isaaq Oginni oo ah Agaasimaha Xarunta Dembiyadda Maaliyadeed ee Hayadda Interpol iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa. “Natiijooyinka hawlgalkan ayaa hoosta ka xariiqay baahida muhiimka ah ee iskaashiga fulinta sharciga caalamiga ah si loola dagaalamo shabakadahaan dembiileyaasha ah”.

ISHA/VOA.

SII KHRI.