HAYADDA AMNESTY OO KA HADASHAY….
HAYADA XUQUUQUL INSAANKA CAALAMIGA AH.
(BEIRUT)-Hayadda u xuquuqul insaanka ee “Amnesy International” ayaa dalka Libnaan ugu baaqday inuu joojiyo qorshaha uu dib ugu celinaayo Qaxootiga reer Suuriya uu dalkooda weli ka socdo dagaalka.”Xukuumadda Libnaan waa ineey qiyaastaa waxa eey ugu yeertay dib u noqosho aan lagu qasbin,qorshahaan ayaa la diyaariyey afar sano ka hor markii la bilaabayey in dalka Libnaan lagu qaabilo Qaxooti reer Suuriya ah mana jirto meel uga banaan xuriyadda iyo wargelinta go’aan kuna saabsan dib u celinta Qaxootiga reer Suuriya ee joogo dalka Libnaan”. Sidaas waxaa lagu sheegay qoraal eey soo saartay Diana Semaan oo ah ku simaha ku xigeenka Agaasimaha hayadda Amnesty ee Bariga Dhexe iyo aqooyiga Afrika.
ISHA WARKA AA.