SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAYADAHA AMNIGA PUNTLAND OO SOO QABTAY…

(SAWIRKA)-MARXUUM AXMED TAHLIIL X.ADAN.

(GAALKACYO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in hayadaha Amaanka ee maamulka Puntland ey gacanta ku soo dhigeen shan nin oo la sheegay iney shalay oo Khamiis ahayd ku dileen gudaha magaaladda Gaalkacyo,dilka ayaa loo gaystay Marxuum la oran jiray Axmed Tahliil Xaaji Adan,ninkaan ayaa sida dadka degaanka laga soo xigtay ka soo jeedo Beesha Carab Saalax ee degta Puntland,raga fuliyey dilkii shalay ayaa iyagan waxa ey ka soo jeedaan beesha Cumara Maxauud ee Majeerteen. Gudoomiyaha Gobolka Mudug dhinaca Puntland Faysal Jifijabsade ayaa tan iyo xalay waxa uu ku sugnaay degaanka Bursaalax halkaaso ah meesha ey u baxsadeen shantii nin ee dilka gayasatay shalay.Lamaaha amniga Mudug oo kashanaayo beesha ey ka dhasheen gacan ku dhiigleyaasha ayey u suuragashay iney soo qabtaan shantii nin ee dishay Marxuum Axmed Tahliil si loo horgeeyo Maxkamadda.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.