SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAYADAHA AMNIGA MUQDISHO OO GACANTA KU DHIGAY….

(SAWIRKA)-MUUQAALKA HAWEENEYDA LA QABTAY LAGANA SOO QAADAY CCTV-GA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in gacanta Hayadaha Amniga ee caasimada ey soo gashay Haweeney la sheegay iney la shaqeyso kooxda Alshabaab gaar ahaan kuwa loo yaqaano Amniyaatka ee ALshabaab u qaabilsan dilalka Qorsheysan. Warkaan oo aan ka soo xiganay Hayadaha Amniga ee caasimada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu haayo Haweeney looga shakisan yahay iney tahay mid ka soo muuqatay Kaamerooyinka CCTV-ga ku xiran goobo ganacsi oo ku yaalo caasimada Muqdisho kuwaaso dadkii iska lahaay lagu dhex dilay. Waxaa baraha Bulshad gaar ahaan barta Facebook-ga la soo dhigay muuqaal qof Dumar ah oo sii geleyso goob Ganacsi ka hor inta aan la dilin shaqsigii goobta ku sugnaay iyo gaari cad oo nuuciisu yahay kuwa raaxad oo isagana hareer yaalo goobta ganacsiga uuna ka soo degaayo qofka fulinaayo dilka Qorsheysan. Video la soo dhigay Barta Facebook-ga ayaa la arkaayey haweeney wada Jalbaab Madaw oo xaafad Muqdisho ku taalo dhex mareysa, waxaane gadaasheeda socdo Gaari cad oo kuwa raaxada ah,dadka xaafada degan ayaana wargeliyey Hayadaha Amniga una sheegay iney halkaan mareyso Haweeneydii la baadi goobaayey oo qeybta ka ahayd dilakkii Qorsheysnaay ee ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaane sidaas Hayadaha Amaanka ee caasimadda Muqdisho ugu suurtagashay iney gacan ku dhigaan Haweeneydii in mudda ah lagu daba joogay. HALKAAN KALA SOCO WIXII KA SOO KORDHA.

ISHA-SB-MEDIA.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-ga.