HAYADA LAAN QEERTA CAS EE ADDUUNKA OO KA…
DAD CUNTO LOOGU QEYBINAAYO GEED HOOSTIIS AFRIKA.
(RED CROSS)-Hayadda Laan Qeerta Cas ee Adduunka(ICRC) ayaa waxa eey ka hadashay arrimo la xiriiro dhibaatooyinka soo wajahay dadweynaha caalamka ku nool gaar ahaan dadka eey saameeyeen abaaraha iyo dagaalada waxa eeyna hayadda sheegtay shalay oo Talaada ahayd ineey jiraan dad gaaraayo 350-Milyan oo qofood ugu dhawaan ahne rubaca dadka ku nool Qaaradda Afrika ayaan haysan cunto ku filan eey cunaan. Agaasimaha Guud ee Hayadda Laan Qeerta Cas ee adduunka Robert Mardini oo hadlay ayaa yiri”Waxa aan wajahaynaa xaalad ka sii daraysa oo deg deg ah ee dhinaca cuntada adduunka ah gaar ahaan qeybo ka kala mida Afrika iyo Bariga dhexe eeyna ka jiraan dagaalo hubaysan,deganaan la’aanta siyaasadeed,isbedelka cimilada iyo raadka uu reebay cudurka Covid-19”.
ISHA WARKA DS.