SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAWLGAL LAGU SOO QABTAY 19-QOFOOD OO BURCAD AH.

(SAWIRKA)-BURCAD BADEEDII XEEBAHA SOOMAALIYA LAGA SOO QABTAY.

(MUQDISHO)-Wararka laga helayo Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu dhacay hawlgal gaar ah ey sameeyeen ciidamdda Badda ee dalka Hiniya,hawlgalkaan ayaa lagu baacsanayey koox burcad badeed Soomaali ah oo dad ku haysatay Doon ey ka soo afduubeen Xeebaha dalka Soomaaliya. Ciidamadda Badda dalka Hindiya ayaa gacanta ku soo dhigay 19-nin oo ah Burcad Badeed Soomaaliyeed oo afduubtay doon laga leeyahay dalka Pakistan muddo hadda laga joogo Todobaad iyo ka badan. Hawlgalka ey sameeyeen ciidamadda Badda dalka Hindiya ayaa ah kii labaad muddo 36-saacadood ah waxaane hawlgalkaan fuliyey Markabka dagaalka ee dalka Hindiya INS Sumitra.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.