SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAWLGAL LAGU LAAYEY ALSHABAAB OO KA DHACAY MUDUG.

(SAWIRKA)-XASAN XAYDAR(SALMAAN.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in la dilay in ka badan ilaa 70-tan maleeshiyo lana dhaawacay 30-kale oo ka wada tirsan kooxda Alshabaab ka dib markii la fuliyey hawlgal ey iska kaashadeen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya iyo Saaxibadda Caalamka,hawlgalka ayaa laga fuliyey hawdka degaanka Tabar Mooge oo qiyaastii 28-kiiloomitir Waqooyiga kaga beegan magaaladda Xaradheere ee Gobolka Mudug. Maleeshiyaadka halaagsamay ee Alshabaab waxaa lagu beegsaday seddex barood oo ku yaalo degaankaas,xogta la helay ayaa sheegaysa iney isku urursanaayeen halkaas ilaa 150-maleeshiyo kuwaaso isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgal shalay ka dhacay degaanka Carfuud iyo maleeshiyaad kale ey soo ururiyeen. Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxibadda caalamka ayaa weli ku sii daba jooga kontomeeyo maleeshiyadda Alshabaab ah oo isku dayaya iney ka baxsadaan dhulka hawdka ah ey duqeyntu sida ba’an ugu socoto,sidoo kale Alshabaab ayaa waxaa dhibaato ka haysataa dhinaca daaweynta maleeshiyaadka ku soo dhaawacma dagaalka ka socodo Galmudug. Hawlgaladda lagu baacsanaayo kooxda AL-shabaab ayaa hadda galay weji aad uga adag marka loo fiiriyo wejigii hore kaaso ah in hadda kooxda ey gabaabsi ka yihiin dhammaan waxyaabihii kooxdu ku furdaamin lahayd dagaalka ey kula jirto DFS sida Daawadda,Cuntada iyo Biyaha Nadiifka ah ee la cabbo,waxaane goobo badan ey kooxdu ka carartay lagu arkaayey Timir Qalalan iyo waxoogaa biya ah taaso muujineyso in kooxda ey soo food saartay dhaqaale xumi ku khasabtay iney meelaha qaarkood eysan ku dagaalamin si fududne ey ugu gacangasho Ciidamadda DFS. Dhinaca kale,Xasan Aadan Xaydar oo magaciisa afgarshada uu yahay SALMAAN ayaa isu soo dhiibay CXDS gaar ahaan Qeybta 60-aad. Xasan ayaa kooxda ALshabaab waxa uu ka tirsanaay sida uu sheegay mudoo dhan laba sanadood waxa uuna Xasan ka qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Gobolka Bakool,sababta uu kooxda Alshabaab uga soo baxay ayuu Xasan ku sheegay iney tahay dhibaato baahsan oo haysata kooxda Alshabaab waqtigaan la joogo sidaas darteedne uusan ka sii mid ahaan karin kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA.