HAWLGAL HUB LAGU QABTAY OO KA…
NISA OO HUB KU QABATAY MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Magaaladda Muqdisho waxaa weli si habsami ah uga socdo hawgalo balaaran oo lagu xaqiijinaayo amniga Caasimadda iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab,caawa waxa ey hayadaha amaanka gacanta ku dhigeen hubkii ugu badnaay oo lagu qabto caasimadda Muqdisho,hubkaan ayaa lagu qarinaayey guri ku yaalo xaafadda Terebuunka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ku jiro nuucyo ka mida dharka ciidamadda iyo hub kale oo ey ka mid yihiin Qaraxyo iyo Rasaas fara badan. Ciidamadda amaanka ayaa warbaahinta u soo bandhigay hubkii ey qabteen iyo laba nin oo lagu edeeyey iney ahaayeen kuwii hubkaan weday,waxaane lagu daba jiraa dad kale oo qeyb ka ahaay keydinta hubkaan ey laheed kooxda Alshabaab. Hawlgal hubkaan lagu soo qabtay ayaa ahaay mid qorsheysan oo ey fulisay hayadda NISA gaar ahaan Suuq Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho oo ah halka ey hawlgalka ka soo bilaabeen Nisa kuna soo dhammaatay guriga laga soo helay hubkaas faraha badan.
ISHA SB-MEDIA.