SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HAWLGAL CUSUB EE MIDAWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-MADAXDA MIDAWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ururka Midawga Afrika uu ku dhawaaqay inuu bilbaayo Hawlgal Cusub oo Nabad Ilaalin ah oo ka shaqeyn doono dalka Soomaaliya kaaso la filaayo inuu si rasmi ah u bilawdo bisha Janaayo ee sannadka 2025-ka. Hawlgalkaan Cusub ayaa loogu magac daray”HAWLGALKA TAAGEERADDA IYO XASILLINTA MIDAWGA AFRIKA EE SOOMAALIY” ee AUSSOM. Hawlgalkaan Cusub ayaa bedeli doono Ciidamddii Midawga Afrika ee ku meel gaarka ahaa ee Soomaaliya loona yaqaan Atmis kaaso bedelay Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya loona yaqiin Amisom sannadki 2022-kii. Golaha Amaanka ee Midawga Afrika(PSC) ayaa Ansixiyey fikradda Istaraatiijiyadeed ee Hawlgalka AUSSOM taariikhdu markeey ahayd 1/8/2024-ka. Hawgalkaan Cusub waxa uu ka koobnaan doonaa Hawlgal la taaban karo eyna qeyb ka yihiin 11,911-shaqaale kuwaaso ey ku jiraan 11,146-xubnood oo Mileteri ah, 680-Sarkaal oo Boolis ah iyo 85-Qof oo rayid ah kuwaaso loo habeeyey afar qeybood oo hawl ah. Wadamadda Masar iyo Jabuuti ayaa ballan qaaday iney gacan ka geysan doonaan Hawlgalka Cusub ee AUSSOM taaso ka tarjumeysa sida ey uga go’an tahay xasilloonida Gobolka Geeska Afrika iyo taageeradda hadafyadda Hawlgalka. Hawlgalka Cusub waxa uu u taagan yahay dadaalkii seddexaad ee Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya tan iyo Sannadkii 2007-dii,waxayna ujeedadu tahay in la sii wado dadaaladda kuwii isaga ka horeeyey ee ku aadanaay xasillinta dalka iyo taageeradda u gudubka si uu u gaaro isku filnaansho buuxda oo dhinaca Amniga ah. Aas-aasida AUSSOM waxa ey hoosta ka xariiqday sida ey Midawga Afrika uga Go’an tahay wax ka qabshadda caqabadaha Amni ee Soomaaliya iyo Horumarinta hanaanka xasilinta dalka. Hawlgalka ayaa diirdda lagu saari doonaa taageeridda Ciidamadda Amaanka ee Soomaaliya,Ilaalinta kala dambeynta iyo kobcinta xasiloonidda maadaama dalku uu horumar ka gaaraayo Nabadda iyo isku filnaanshaha mustaqbalka fog.

ISHA/WAK.