HAWLGAL ALSHBAAB LAGU LAAYEY OO KA DHACAY UGUNJI.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA QARANKA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in hawlgal jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab uu ka dhacay Tuuladda Ugunji oo hoostagta degmada Janaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,hawlgalkaan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamadda Qaranka iyo saaxibadda caalamka. Sida ey sheegtay DFS hawlgalka ayaa waxaa lala beegsaday Maxkamad ey Alshabaab halkaasi ku lahaayeen,waxaane hawlgalkaasi lagu dilay Maleeshiyaad fara badan iyo Horjoogayaal ey ka mid yihiin USAAMA oo ahaay Madaxa Alshabaab u qaabilsanaay degaanka Ugunji, Cadaani oo kooxda Alshabaab u qaabilsanay diiwaan gelinta dadka shacabka ah ee la rabo in laga qaado lacagaha baada ah iyo Yaxye oo ahaay ku xigeenka Madaxa Alshabaab ee degaanka Ugunji.
ISHA/CAASIMADDA.