HAWEENEY YUHUUD AH OO LAGU DILAY MINDI TOOREY AH.
(SAWIRKA)-GOOBTA EY WAX KA DHECEEN.
(ISRAEL)-Isbitaal ku yaalo Isra’iil ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in Haweeney da’adeedu tahay sideetan jir in lagu dilay weerar Tooreey loo adeegsaday, weerarka ayaa ka dhacay magaala Xeebeedka Herzliya ee Isra’iil, arrinkaan ayaa loo xiray wiil 28-jir ah kaaso looga shakisan yahay inuu isaga yahay qofka geystay weerarka,waxa uuna hadda ku xiran yahay Daanta Galbeed ee la haysto. “Waxaa isbitaalka la keenay iyadoo qabta dhaawcyo badan oo Tooreey ah,iyadoo lagu guda jiro dadaalkii lagu badbaadin lahaa nolosha haweyneyda da’ada ah,laakinse shaqaalaha Isbitaalka ayaa lagu qasnbay iney sheegaan dhimashadeeda markii ey timid”,Isbitaalka Tel Aviv Ichilov ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Warbixin kale ee uu soo saaray Booliska ayaa lagu sheegay in la xiray qof looga shakisan yahay inuu geystay weerarka,qofkaasi waa 28-jir deganaa maamulka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.
ISHA-FRANCE-24.