SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HALISTA KA JIRTA SOOMALIYA.

SOOMAALIYA(MUQDISHO)- Dalka soomaaliya waxa uu isu diyaarinayaa doorashooyin dhaca afartii sanaba mar waxaane maanta oo Axad(25/7/2021)-ka ah lagu weday ineey qabsoonto doorashadda Aqalka Sare balse taasi ma eeysan dhicin oo dib ayey doorashadda u dhacday lama yaqaano sababta iyo goorta eey doorashadda dheceeyso,sidoo kale maanta oo ah Axad kuna beegan 25/7/2021-ka ayaa ah maalintii xilka laga tuuray Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadda ah Murashax u taagan xilka Madaxweynaha dalka soomaaliya,laakinse berri oo ah Isniin kuna beegan 26/7/2021-ka waxa eey hal bil u go’aysaa Ikraan Tahliil Faarax oo ilaa iyo hadda ku maqan gacanta hayadda Nisa oo eey ka tirsaneed waxayna ahayd qof si aad ah u firfircoon,Ikraan ayaa waxa eey raacday gaari laga leeyahay hayadda Nisa waxaane weday darawalka taliyaha Nisa ee G/Banaadir Yaasiin Fareey,arrinta Ikraan ayaa ah mid la mida arrimo fara badan oo horay uga dhacay hayadda Nisa tusaale ahaan AUN-Aamino Xuseen waxa eey ahayd sarkaalad ka tirsan hayadda Nisa gaar ahaan kuwooda u shaqeeyo si aan la dareemi karin,Aamino ayaa la sheegay ineey gacanta ku haysay dawcwad ka dhan ah saraakiil ka tirsan hayada Nisa lana shaqeeysto kooxda Alshabaab si maxkamad loo saaro nasiib darase waxa eey Aamino ku baxday gacanta Alshabaab,waxaane la tuhmaayey in arrintaan uu ka dambeeyo Fahad Yaasiin oo waqtigaas ahaay taliye ku xigeenka Nisa gacan saarna la leh Alshabaab,waxaa kaloo ayadana dhacday in saraakiil fara badan kana tirsanaay Nisa dalka isaga bexeen ka dib markii sawiradooda loo gudbiyey Alshabaab si hoos ahaan,wada shaqeynta ka dhexeyso Alshabaab iyo Nisa ayaa iska ha mid shacabka soomaaliyeed ka dheregsan yihiin waayo saraakiisha Nisa badankooda ayaaba aha Amniyaatka Alshabaaba. Maxamed Xasan Xaad oo ah mid ka mida odayaal dhaqameedka beelaha Hawiye oo maanta la hadlay Tv-ga Goobjoog ee magaaladda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in shacabka soomaaliyeed u wada istagaan sideey isgaa qaban lahaayeen Farmaajo iyo kooxdiisa oo u soo jeestay afduubka iyo dilidda inta waxgalka ah kana tirsan bulsha weynta soomaliyeed Xaad ayaa tusaale u soo qaatay geber la yiraahdo Maymuun Cabdiraxmaan Xaayaw kana tirsaneed hayadda Nisa in loo dilay sir eey u gudbisay mid ka mida midawga musharixiinta xilka madaxweynaha ka dib markii eey shaqsigaas u sheegtay in lala damacsan yahay khaarijin kaga imaanaysa dhinaca NIsa balse Alshabaab la ogyihiin oo iyagu sheeganayaan,ma yara arrimaha ku gadaaman hayadda Nisa waqtigaan xasaasiga ah oo waxa maalin ka hor xilkii laga qaaday madaxii xafiiska shqaalaha ee Nisa Kulana Jiis ka dib markii uu jebiyey amarkii Raysal wasaaraha ee ahaay inaan mawaadin soomaliyeed laga celin karin garoonka diyaaradaha una duuli karo halkii uu doono. Fahad Yaasiin,Kulane Jiis iyo Cabdiwahaab oo ah wiilkii haystay Nisa-da garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho ayaa ah kuwa si aada isugu xiran kana wada amar qaato Farmaajo tusaale ahaan gudoomiyihii gobolka Gedo Macalimuu iyo odayaal dhaqameed ka soo horjeeday Farmaajo ayaa Muqdisho ku xayirnaay muddo ka badan todobo bilood waayo waxaa ineey safraan ka hortaagnaay Kulane Jiis,Fahad iyo Cabdiwahaab oo isagana xilka laga qaaday,nasiib wanaagse waxa eey Gedo u amab bexee maanta oo Axad ah.

DIYAARIYE/ABKEEY

WAKIIL WAREEDKA SBM.