SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

HALEEL GROUP OO KA MID NOQOTAY GANACSATADA DHAQALAH SIISA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-HALEEL GROUP.

(WASHINGTON)-Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka ee Xafiiska Xakamaynta hantida Dibadda(OFAC)waxay cunaqabateyn ku soo rogtay 16-Hayadood iyo shaqsiyaad ka kooban shabakado ganacsi oo balaaran kuna baahsan Gobolka Geeska Afrika,Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Qubrus taaso kor u qaadeysa dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa kooxda Alshabaab,waa koox xiriir la leh AL-Qaacidda. Shaqsiyaadka shabakadan ku jira waxaa ka mid ah ganasato saameyn ku leh Gobolka Geeska Afrika kuwaaso taageero dhaqaale siiya kooxda Alshabaab oo ah koox Argagixisa ah oo masuul ka ah qaar ka mid ah weeraradii aragaixiso ee ugu xumaay taariikhda casriga ah ee soo mara Gobolka Geeska Afrika. Weeraradan ayaa galaaftay nolosha kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsan,shaqsiyaad iyo hayadaha waxaa loo qoondeeyey si waafaqsan amarka fulinta ee tirsigiisu yahay(E.O)13224 oo wax laga bedelay,waxa uu bartilmaameedsanayaa kooxaha argagixisad iyo awood-bixiyeyaashooda.

ISHA/US.

HALKAN KA AKHRI