SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUUSHII XULKA KUBADDA CAGTA EE U-17 EE SOMALIYA.

XULKA QARANKA KUBADA CAGTA SOMALIA EE KA YAR 17-SANO.

(SOMALIA)-Xiriirka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA ayaa waxa uu qaban qaabiyey tartanka cayaartooyda eey da’adoodu ka yar tahay 17-sano,tartankaan ayaa waxaa ka qeybgelaayey toban kooxood bilawgii hore ee tartanka waxaane loo qeybiyey laba qeybood oo qeybtiiba eey kuwada jiraan shan kooxood,Qeybta(A)-Itoobiya,Tanzania Somalia,Koonfurta Suudaan,Eritrea.Qeybta(B)-Uganda,Jabuti,Sudan,Burundi, Rwanda. 26/9/22-ka dalalka Eritrea iyo Rwanda ayaa isaga haray tartanka,sidaas waxaa labadii qeyb(A,B)isugu soo haray afar kooxood qeybtiiba. 1/10/22-ka dalalka Sudaan iyo Jabuuti ayaa laga saaray tartankaka dib markii qaar ka mida cayaartooydooda eey ku dheceen tijaabadii MRI-da waxaane sidaas qeybta(B) isugu soo haray laba koox. Qeybta(A) waxaa soo baxay Somalia Tanzania,Ethiopia,Qeybta (B) Uganda,Koonfurta Sudaan, Burundi. Cayaarta loogu gudbaayo cayaarta kama dambaysta ah ayaa waxaa isugu soo haray Somalia Vs Uganda iyo Tanzania Vs Koonfurta Sudan. Cayaarta kama dambaysta ahne waxaa isugu soo haray kooxaha Somalia Vs Koonfurta Sudan waxaane guulaystay Somalia oo ku badisay(3-1),halka kaalinta seddexaad ey gashay Tanzania ka dib markii eey ka badisay Uganda(4-1). Waxaa jiro wareegyo kale uu ka mid yahay UNAF(NORTH ZONE) waxaane ku wada jiro dalalka ALJEERIYA,MASAR,MAROOKO IYO TUNIISIYA.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

DIAARIYE/ ABKEEY.