Gudoomiye ku xigeenka..
Kooxo aan la aqoon haybtooda ayaa caawa bam gacmeed waxa eey ku weerareen guriga uu degan yahay gudoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee degmada WanlaWeyn ee gobolka shabeeladda hoose mudane Maxamed Cabdullaahi Koosta,waxaane weeararkaas ku dhintay Mudane Maxamed Koosta waxa uuna dhaawac ka soo gaaray gudoomiyaha aabihiis iyo xaaska gudoomiyaha oo dhammaantooda eey kuwada sugnaayeen gudaha guriga la weeararay,dhinaca kalane waxaa geeridda gudoomiye Kaasta waxaa ka tacsiyeeyey gudoomiyaha gobolka shabeeladda hoose ee maamulka koonfur galbeed mudane Ibraahim aadan Cali(Najax),mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay weerarkaas lagu qaaday gurtiga gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee degmada wanlaweyn ee gobolka shabeeladda hoose ee maamulka koofur galbeed.