SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KU…

(SAWIRKA)-SHEEKH ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaasne ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya Mike Nithavrianakis, waxa eyna ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal. Danjiraha Dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin xiriirka wanaagsan ee ka dhexeyo labada dal soomaaliya iyo Ingiriisaka,wuxuxuna Golaha Shacabka ee BJFS ugu hambalyeyey Ansixinta shuruucda Muhimka u ah dawladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2025-ka taaso shalay ey Ansixiyeen Labada Gole ee BJFS. Dhinaca kale,Safiirka Dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike ayaa sheegay in dawladiisa ey soo dhaweyneyso Dimuqaraadiyadda iyo Qorshaha DFS ey wado ee ah in dalka Soomaaliya ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah. Ku-Simaha Madaxweynaha JFS ahne Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Aden madoobe ayaa Safiirka Ingiriiska ku bogaadiyey taageeadda dhinacyada kala duwan leh oo ey dawladda Ingiriiska la garab taagan tahay dalka Soomaaliya. Dhinaca kale,Sheekh Aden Madoobe ayaa sheegay in DFS ey horumar la taaban karo ka sameeysay dhinacayada Siyaasadd,Amniga,Dhaqaalaha iyo dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda ALshabaab.

ISHA-SNTV.