GUDOOMIYE ADAN MADOOBE OO LA SHIRAY GUDIGA…
(SAWIRKA)GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa shir Gudoomiyey kulanka Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee BJFS ee ku qabsoomay Xarunta Gudoonka iyo Gudiyadda ee Villa Hargaysa. Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyntii Xubnaha Gudiga Joogtada ah u faahfaahiyey safaro mudadii uu Goluhu xirnaay ku tegay dalka Turkiga halkaaso uga qeybgalay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayey isaga oo sheegay in shirkaasi ey Soomaaliya ka cadeysay mawqifkeeda ku aadan qadiyadda dadka reer Falastiin. Sidoo kale,Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Adan Madoobe ayaa faahfaahin ka bixiyey safar isaga iyo wafdi uu hogaaminaayey ey ku tageen dalka eynu walaalaha nahay ee Jabuuti halkaasi oo uu kulano mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madax kale ee dalka Jabuuti. Dhinaca kale,Gudoomiye Sheekh Adan Madoobe ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tegay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya halkaaso uu uga qeybgalay kulankii 17-aad ee Gudoomiyeyaasha Baarlamaandda Wadamadda ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika(EAC),kaaso looga hadlay xallinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha Ururka,waxaane Gudoomiyuhu uu shirkaas ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay muhimadda ey Soomaaliya u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyntii,Gudoomiyaha ayaa sheegay in lagama maarmaan ey tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xulo xubnaha Soomaaliya ku metelaayo Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC). Intaas ka dib Xubnaha Gudiga Jootada ah ee Golaha shacabka ee BJFS ayaa ka dooday furitaanka kal fadhiga 5-aad ka dib ajandayaasha horutebinta u leh fadhiyadda guud ee Golaha shacabka,waxaane Gudoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay Xubnaha Gudiga Joogtada ah iney xooga saaraan hawlaha baaxadda leh ee Golaha horyaalo kal fadhiga 5-aad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dawladdnimada Soomaaliya.
ISHA/SNTV.