SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDOOMIYE ADAN MADOOBE OO BOOQDAY XARUNTA

(SAWIRKA)-WAFDIGII ADAN MADOOBE EE LONDON GAARAY.

(LONDON)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) iyo wafdigii uu hogaaminaayey ee gaaray dalka Boqortooyadda Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ingiriiska Lindsy Hoyle. Gudoomiye Adan Madoobe iyo dhigiisa Ingiriiska Holey ayaa kulankooda diiradda ku saaray Iskaahiga labada Baarlamaan iyo sii xoojinta xiriirka labada Baarlamaan,sidoo kale waxa la isla soo qaaday sidii Baarlamaanka wadanka Ingiriiska uu gacan uga geysan lahaay kor u qaadista Aqoonta Hawlwadeenadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya. Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Adan Madoobe ayaa booqday Xarunta Baarlamaanka dalka Ingiriiska,waxa uuna warbixin ku saabsan habka uu u shaqeeyo Baarlamaanka Ingiriiska ka dhegaystay dhigiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Ingiriiska Lindsy Holey.

ISHA-SNTV.