GUDOOMIYAHA XIRIIRKA KUBADDA CAGRTA ADDUUNKA-FIFA OO DIIDAY.
(SAWIRKA)-GIANNI INAFANTINO.
(ANKARA-TURKEY)-Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa maanta oo sabti ah meesha ka saaray fikradda kararka Buluuga ah ee kubadda cagta. Qorshe ey sameeyeen qaar ka mid ah sharci yaqaanadda kubadda cagta ayaa ku saabsan in kaarka cusub ee Guduudka iyo Jaalaha lagu soo daro ciyaartoyda 10-daqiiqo ee diidmada ama khaladaad qaawan. Isagoo ka hadlaayey Sctland ka hor kulanka Gudiga Xiriirka Kubadda cagta Adduunka ee Loch Lomond,Infantino wuxuu sheegay in FIFA ey gabi ahaanba ka soo horjeedo fikirkaas,wuxuuna xaqiijiyey ineysan jiri doonin kaararka Buluuga ah ee heerka sare. Gawaaridda sinjiga ayaa hadda loo isticmaalaa heerarka hoose ee kubadda cagta. 53-jirka ayaa sheegay iney furan yihiin fikrado cusub iyo soo jeedino laakin ey tahay iney ilaaliyaan “Nuxurka iyo Dhaqanka”ciyaarta.
ISHA/AA.