SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDOOMIYAHA DEGMADA B/WEYNE OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-QARAXII B/WEYNE EE MAANTA.

(BELEDWEYNE)-Warar dheeri ah ayaa waxa ey ka soo baxayaan Qarax Galabnimadii maanta ka dhacay magaaladda Beled weyne ee ah caasimadda Gobolka Hiiraan,Qaraxa ayaa ugu yaraan waxaa ku geeriyooday ilaa afar qofood oo isugu jira dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidanka DFS,waxa uuna Qaraxa ka dhacay goob si aad ah ugu dhaw saldhig ey iska leeyihiin ciidamadda ATMIS kana socday dalka Jabuuti kuwaaso maanta xilka ku wareejiyey Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed,sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada B/weyne Md.Cumar Calasaw Qaraxa ayaa waxaa lagu soo raray Gaari nuuciisu yahay Hoomeey kana yimid Galbeedka B/weyne,waxaane gaariga lagu joojiyey bar koontarool oo ku taalo banaanka magaaladda taaso laga ilaaliyo Aminiga B/weyn,gaariga siday Qaraxa ayaa si xoog ku soo dhaafay bartii Koontarool ka dibne ciidanka ayaa xabadeeyey gaarigii Qaraxa siday sidaas ayuuna ku qarxay gaarigii. Gudoomiyaha Degmada B/weyne Md.Cumara Calasaw oo hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaan la xiriira inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay degmada B/weyne dibne laga soo sheegi doono wixii khasaaro ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay degmada B/weyne.

ISHA/SB-MEDIA.