SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDOOMIYAHA AQALKA SARE OO DALKA DIB UGU…

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE CABDI XAASHI.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Cabdi Xaashi C/laahi uu maanta dib ugu soo laabtaya dalka ka dib markii uu magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya uu kaga qeybgalay shirka 18-aad ee Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da. Gudoomiye Cabdi Xaashi oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika EAC ey muhimad weyn u leedahay Ururka iyo dalkeynaba maadaama Soomaaliya ey leedahay kheyraad fara badan,dhul qani ah iyo bulsho firfircoon oo leh hal abuur Ganacsi,karti iyo adkeysina u leh xaaladaha kala duwan ee Ganacsiga. Sidoo kale, Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in midawgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dawladaha Qaaradda Afrika iney midoobaan eyna ka wada faa’iideystaan kheyraadka dhulkooda,iskana kaashadaan Arrimaha Nabadda iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyawga Qaaradda Afrika. Dhinaca kale, Gudiga Haweenka ee Aqalka Sare ee BJFS ayaa yeehsay kulankoodii 3-aad ee kalfadhiga 5-aad iyagoo Xafiiskooda ku qaabilay Madaxa Amniga UNSOM Marwa Leila Bouchebouba. Kulanka oo ey shir Gudoomisay Gudoomiyaha Gudiga Senitar Sareedo Maxamed Jeyte ayaa ugu horeyntii waxaa la isla gorfeeyey lagana wada hadlay Shuruucda la xiriirta Arrimaha Haweenka iyo Cutubyadda 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka Ku meel gaaraka ah kuwaaso ey ku socoto dib u eegis iyo sidii diiradda loo saari lahaa awood qeybsiga DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, xubnaha Gudiga ayaa tilmaamay ahmiyadda ey leedahay dhammaystirka Dastuurka,Xoojinta Nabadda,Amniga iyo Cadaaladda.

ISHA-SNTV.