SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDOMIYE ABSHIR KAARAAN MA MUDAN YAHAY…

AUN-NABADOON CALI CUMAR CARAALE OO XALAY LAGU DILAY KAARAAN.

(MUQDISHO)-Gobolka Banaadir ayaa ka kooban 18-degmo iyo degaano kale oo ku xeeran sida Gubadley iyo Garasbaley,G/banaadir ayaa ah mid gacanta ugu jiro DFS haddii ey noqon lahayd dhinacyada Maaliyadda iyo Amniga waxa aadne arkaysaa dembiyo waa weyn oo laga gelaayo shacabka dego gobolka Banaadir tusaale ahaan gobolka Baadir waxaa ka dilaacay kooxo qawlaysata ah oo shacabka gobolka Banaadir u gaysto dhac iyo dil wada socdo kooxahaan ayaa ku abaabulan qaab Gaaganimo ah balse salka kulajira Qabiil waxa eyna taasi sababtay in Ciidamadda Amaanka ee gobolka Banaadir awoodi kari waayaan ineey wax ka qabtaan arrinta amni darada ah sida uu afkiisa ka qirtay xalay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi mar uu ka hadlaayey kulan Afur ah oo ka dhacay degmada Kaaraan oo ah tan ugu Amni xun gobolka Banaadir. Markii ey dhammaatay xafladii Afurka ayey kooxo abaaulan waxa ey dileen Nabadoon Cali Cumar Caraale waxaane la dhaawacay Cabdi Cali Cabdulle oo lagu sheegay inuu yahay darawalka Gaarka ah ee MW-Xasan Sheekh Maxamuud intuba waxa ey ka dheceen degmada KAARAAN,hadaba gudoomiye ABSHIR KAARAAN ma mudan yahay inuu sii ahaado GUDOOMIYE?

ISHA WARKA SB-MEDIA.