GUD.MADAALE OO LA KULMAY SAFIIRKA SHIINAHA.
(SAWIRKA)-GUD.MADAALE IYO SAFIIR WANG YU.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Md.Wang Yu,labada masuul ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood kuwaaso la xiriiira Horumarinta caasimadda Muqdisho iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Kulanka maanta ayaa waxaa goob joog ka ahaay Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshadda iyo Wacyigelinta ee maamulka Gobilka Banaadir Md.C/casiis Cismaan Maxamed waxaane diiradda lagu saaray arrimo ey ka mid yihiinā€¯Dardargelinta Mashaariicda lagu Horumarinaayo bilicda Caasimadda Muqdisho gaar ahaan Dhismaha wadooyinka Burburay,Dib u hawgelinta Warshadaha Wax soo saarka sida Warsahadii Taraqa iyo Sigaarka ey dhistay Dawaladda Shiinaha iyo Mataaneynta magaalooynka Muqdishi iyo Bejiinā€¯. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne duqa Caasimadda Muqdisho Md.Madaale iyo Safiirka Dawladda Shiinaha Md.Wang ayaa isku afgartay in la dedejiyo fulinta Qodobadii kulanka looga hadlay iyo in la horumariyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha.
ISHA/SNTV.