SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDIGA SAAXIBTINIMADA SOMLIA IYO QADAR OO…

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Taariikhdu markeey ahayd 24/9/23-ka ayey labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si wadajir waxa ey u magacaabeen Gudiga Saaxibtinimada Soomaaliya iyo Qadar Gudigaan ayaa waxa uu ka kooban yahay shan Xildhibaan iyo afar Senitar kana kala socdo labada ee BFS. Xubnihii ka socday Aqalka Hoose ayaa kala ahaay” Xildhibaan-Maxamed Keerow Maxamed,Xildhibaan-C/laahi Faarax Mire,Xildhibaan-Qaali Cali Shire,Xildhibaan-C/raxmaan C/qaadir Cadde iyo Xildhibaan-Ayuub Ismaaciil Yuusuf” Xubnihii ka socday Aqalka sare ayaa kala ahaay”Senitar-Axmed Maxamed Siciid,Senitar-Ayaan Adan C/laahi,Senitar-Nuur Maxamed Geedi iyo Senitar-Samiira Maxamed Xaaji Cawad”. Hadaba shir ka dhacay maanta Villa Hargeysa ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiyaha Gudiga iyo Gudoomiye ku Xigeen iyo Xoghaynta Gudiga,Xildhibaan-C/laahi Faarax Mire ayaa waxaa loo doortay Gudoomiye halka Gudoomiye ku xigeenka loo doortay Senitar Axmed Maxamed Siciid(Irbad),waxaa Xoghayn loo doortay Senitar-Ayaan Adan C/laahi,xubnahaan la doortay ayaa balan qaaday iney ku dadaalo doonaa sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Qadar.

ISHA/SB-MEDIA.