SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDIGA KU MEEL GAARKA AH EE DOORASHOOYINKA.

(SAWIRLA)-GUDIGA KU MEEL GAARKA AH.

(MUQDISHO)-Xubnaha Gudiga ku meel Gaarka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya una xil saaran diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka,Ururadda iyo Xisbiyadda iyo Sharciga Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo kulan yeeshay ayaa ka dooday Sharciga Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaane kulanka shir Gudoomiyey Gudoomiyaha Gudiga Xildhibaan Mahad Maxamed Guuleed oo ey wehliyaan Gudoomiye ku-Xigeenka Senitar Iftin Baasto iyo Xoghayaha Gudiga Xildhibaan Cabdi IbrahimWarsame(Qawdhan). Xubnaha Gudiga ayaa ka dooday qodobada Hindisaha Xeerka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaane gudiga kala qeybgalay uu latashi kala sameeyey Khubaro ka socoto Hayadda BUILD UP taaso mudda dheer ka soo shaqeyneysay Arrimaha Doorashooyinka. Dhianac kale,Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Aden Madoobe iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminaayo ayaa safar sahqo ugu ambabaxay caasimadda dalka Ingiriiska ee LONDON. Safarka Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku wehliyo oo la socdo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Md.C/raxmaan Maxamed Cabdulle(Jaabiri),Md.Gudoomiye Aden Madoobe ayaa casuumad rasmi ah waxa uu ka helay dhigiisa dalka Ingiriiska.

ISHA-SNTV.