SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDIGA KA HORTAGA LACAG DHAQIDAA OO SOO SAARAY LIIS..

(SAWIRKA)-LABADA LIIS EE UU GUDIGA SOO SAARAY.

(MUQDISHO)-Gudiga Qaranka ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka Maalgelinta Argagixisadda(GQKLDH/LMA) ayaa maanta oo khamiis ah soo saaray Liiska Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Qaran oo lagu beegsaday kooxda Alshabaab. “Gudigu wuxuu uga goleeyaha inuu la dagaalamo Maalgelinta Argagixisadda iyo in la yareeyo khataraha ficiladda Argagixisadda ee dalka Soomaaliya. Aqoonsiga iyo Cunaqabateynta shaqsiyaadka iyo Hayadaha xiriirka la leh kooxda Alshabaab,Gudigu wuxuu doonayaa inuu carqaladeeyo isla markaane la cunaqabateeyo shaqsiyaadka iyo Hayadaha taageero Argagixisadda si sare loogu qaado nabadgelyadda dalka”ayaa lagu yiri warbixinta Gudiga. Tan iyo markii la Ansixiyey Sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee cayiman sannadkii 2023-kii Gudigu wuxuu soo saaray laba liis oo lagu beegsanaayo kooxda Alshabaab.

ISHA/SNTV.