SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUDIGA DOORASHADA EE XSKC OO…

WASIIRKA CAYARAHA.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxaayey warar ku saabsan in khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta(XSKC) gaar ahaan gudigiisa doorashada,khilaafkan ayaa salka ku haayo arrimaha doorashada Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta afarta sano ee soo socoto. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee JFS Mudane Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa arrinkaan waxa uu kaga hadlay madal lagu qabtay baraha bulshada gaar ahaan barta Clubhouse-ka waxa uuna Wasiirku sheegay waxyaabo fara badan kuna saabsan muranka taagan waxa uu salka ku haayo,Wasiirka ayaa tibaaxay in waxa la isku haayo yihiin”THE LAST FIVE YEARS”ey shuruud u tahay gudiga doorashada gudoomiyaha XSKC halka uu Wasiirku sheegay ineeysan sidaas ahayn ey tahay “AT LEAST FIVE YEARS”, SHANTII SANO EE UGU DAMBAYSA,waxaa lagu xiray qofka isu soo sharaxaayo Gudoomiyaha XSKC iyo toban kale oo soo buuxiyey isla shuruudaas,laakinse Wasiirku taas waa uu ka biya diiday oo waxa uu ku adkaystay in shuruuda laga dhigo UGU YARAAN SHAN SANO waa inuu ku soo jiray cayaarta kubadda cagta shuruudaan waxaa soo geli karaayo dad ey ugu dambayasay cayaarta kubadda cagta muddo ka badan labaatan sano iyo ka badan eynaba dhici karto ineey hilmaameen. Wasiirka oo ka jawaabay su’aal la weydiiyey ayaa yiri”waxaa aan isticmaali doonaa awooda dawladda FS haddii gudiga doorashada ee XSKC uu ku adkaysto inuu qabto doorashada uu hal ruux ilaa hadda u sharaxan yahay”,Wasiirka ayaa isla madasha ka sheegay in tababaraha U17 Nuur Maxamed Amiin yahay Beenaale,dadkii arrinkaan ka banaanbaxayne ahaayeen kuwa la soo siiyey waxoogaa lacag ah.

HALKAAN KA AKHRISO JAWAABTA GUDIGA DOORASHADA EE XSKC.