GUD.G/BANADIR OO LA KULMAY GUDIGA MADAXA-BANAAN EE DOO…
(SAWIRKA)-KULANKA XARUNTA GOBOLKA BANAADIR.
(MUQDISHO)-Warar ka imanaayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duq Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir uu maanta Xafiiskiisa ku yaalo Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka ee uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Gudiga Md.C/kariim Axmed Xasan. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Gudiga u soo bandhigay Himilooyinka hadafkooda Siyaasadeed ee uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka gaar ahaan Doorashooyinka tooska ah oo ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo doorka uu maamulka Gobolka Banadir ka qaadanaayo Doorashooyinka Dawladaha Hoose. Sidoo kale,kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaargarawga Gobolka Banaadir ee dhinaca wacyigelinta Bulshada ah,ka gacan siinta Gudiga ee goobaha diiwaangelinta,goobaha cod bixinta iyo in Gudiga laga gacan siiyo dhammaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ey doorashadu ku qabsoomi karto. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne duqa caasimadda Muqdisho Md.Amiir ayaa gudiga u xaqiijiyey ka go’onaashiyahiisa iyo ka mira dhallinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka,si Gobolka Banaadir ey uga dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah taasi oo qeyb ka ah Qorsheyaashiisa hortebinta u leh,asigoona gudiga u cadeeyey inuu ka taageeri doono dhinac walba. Gabagabdii,Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-Bnaaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka Md.C/karim Axmed Xasan ayaa bogaadiyey hanaanka diyaargarawga maamulka Gobolka Banaadir ee ku aadan in Doorasho Qof iyo Cod ah ey ka dhacdo caasimadda dalka ee Muqdisho,asigoo sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyey ey wadeen la tashiyo bulsho,kulankaane uu yahay kii ugu horeeyey oo ey la yeeshaan mid ka mid ah maamulada dalka.
ISHA-SNTV.