SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUD.CABDI XAASHI OO DHAMBAAL KA HELAY…

(SAWIRKA)-LABADA GUDOOMIYE.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.CabdI Xaashi C/laahi ayaa Xafiiskiisa waxaa soo gaaray dhambaal Hambalyo ah oo kaga yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta ee dhawaan la doortay Md.Axmed AL-Yamaaxi una dhashy dalka Imaaraatka Carabta ayaa ugu Hamblyeeyey Gudoomiye Cabdi Xaashi kaalinta Senitar C/xakin Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aadan ku Guuleysiga Xilka Gudoomiye ku Xigeenka Gudiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta. “Mudane Gudoomiye,waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa inaan kuu xaqiijiyo sida ey iiga go’an tahay inaan adkeyno xiriirka wada shaqeyneed oo sal adag oo ey yeeshaan Aqalka Sare ee BJFS iyo Baarlamaanka Carabta si aan ugu wada adeegno Qadiyadaha Qaran ee ey wadaagaan dawladaha ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta”. Sidoo kale,Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Md.AL-Yamaaxi ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Md.Cabdi Xaashi taageerada iyo garab istaaga xilliga ololihiisa doorashada,wuxuuna Gud.Cabdi Xaashi uga mahad celiyey Hambalyada iyo ku boorinta inuu la yimaado xil gudasho wanaagsan ka dib ku guuleysiga xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta labada sano ee soo socoto. Ugu dambeyntii Gud.Cabdi Xaashi oo gudoomay dhambaalka Hambalyada iyo Mahad Celinta ah ayaa u rajeeyey Gud.Baarlamaanka Carabta Md.AL-Yamaaxi caafimaad,waajib gudasho joogta ah iyo ka shaqeynta shuruucda horumarka u horseedaya dalalka Carabta.

ISHA-SNTV.