SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

GUD.AMIIR OO LA SHIRAY GUDOOMIYEYAASHA DEGMOOYINKA.

(SAWIRKA)-GUD.AMIIR.

(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir ayaa maant shir Gudoomiyey shirka Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,shirka ayaa looga hadlay Qorshaha dar-dargelinta Bilicda caasimadda,wax ka bedelka biyo qabadyada iyo biyo mareenadda,Amniga iyo u diyaar garawga Doorasho Qof iyo cod ah kana dhacda G/Banaadir. Md.Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dheeraday ka go’onashiyahiisa ku aadan Hirgelinta qorshahaasi uu ka leeyahay caasimadda isagoona kula dardaarmay maamuladda degmooyinka G/banaadir iney si wadajir ah uga wada shaqeeyaan horumarinta caasimadda,in bulshada si hufan oo daacadnimo ku jirto loogu adeego loon gargaaro dadka Baahiyaha gaarka ah qaba iyo Barakacayaasha ku nool caasimadda Muqdisho. Shirka maanta oo ey goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenadda G/banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha u diyaargarawga Miisaaniyadd sanadeedka G/Banaadir ee 2025-ka,qaab dhismeedka maamulka degmooyinka G/banaadir,Qorshe hawleedka sannadka 2025-ka iyo xoojinta horumarinta dhinacyada Amniga ee ka jira caasimadda Muqdisho.

ISHA-SNTV.